Maamulka degmada Shibis iyo midka gobolka Banaadir ayaa lagu eedeeyey inay burburiyeen xarun caafimaad oo lagu daweyn jirey dad ka badan 500 oo qof, kuwaas oo qaba xanuunnada Qaaxada iyo HIV/AIDS.
Dr. C/risaaq Yuusuf Axmed, agaasimaha daaweynta, qalabka iyo xarumaha caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey dhacdadan, isaga oo sheegay in hadda ay halis ku jirto xaaladda bukaannadaasi “Waa xarun lagu daweeyo dadka qaba cudurka qaaxada iyo kuwa la nool hiv/aids oo ka qaada daawada ARC-da ayaa maamulka waxaa uu xiray maalintii Khamiista albaabka, waxaa uu sidoo kale katarabiil geliyey xaruntii iyada oo wasaaradda iyo howl-wadeenada caafimaadka aaney ka war-qabin, ciidamo la geeyey”.
Dr. C/risaaq Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale ka waramay ahmiyadda xarunta ” Xarunta waxaa ay furneyd 12 sano, 2006-dii waxaa lagu bilaabay qaaxada, 2008-diina hiv/aids, waxaana dib loo dayac tiray 2014-kii, waa dhul dowladeed, oo dowladdii tan ka horeysay garatay in loo dhiso bukaanka qaba cudurrada faafa, laguna kontaroolo, xarunta waxaa yaalo Meshiinno waaweyn oo lagu baaro nooca qaaxada iyo kan lagu xisaabiyo heerka difaaca jirka ee bukaanka HIV-ga, si loo siiyo daawo baxnaanineyso, waxaa daawo ka qaato ilaa 500, 290 in ka badan waa qaaxada halka 200 ka badan ay yihiin hiv/aids”.





From the comments