Guddoomiyaha ururka haweenka Puntland Maama Khadra Warsame Jaamac ayaa telfoonka kula hadalnay oo aan weydiiyay dadaallo muddooyinkii dambe ay ka haween ahaan wadeen, oo ku aaddan helista kuraasta matalaadda.
Haweenka Puntland ayaa suxul duub ugu jiray sidii ay ku heli lahaayeen kuraas ka mid ah gollaha wakiillada oo iminka ay soconayso soo xulista xildhibaannada cusub.
Guddoomiye Khadra Jaamac ayaa sheegtay in ay meel fiican u marayso howsha ay ku doonayaan in ay uga mid noqdaan tiro haween ah baarlamaanka cusub ee soo socda ee shanta sano waqtigiisu tahay.




From the comments