Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa helay Meydka gabar da’deeda lagu sheegay 28-sano jir, taasi oo laga helay mid ka mid ah xaafadaha magaaladaasi.
Saraakiisha caafimaadka isbitaalka Baraawe ayaa xaqiijiyey in gabadhan la kufsaday kadibna la diley.
C/fitaax Sandheere oo ah guddoomiyaha Baraawe ayaa u sheegay Goobjoog News, iney wadaan baaritaanno, islamarkaana wixii kasoo baxa ay warbaahinta la wadaagi doonaan.




From the comments