Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen golaha wasiirada ee maamulka K/galbeed.
Kulankaan waxaa shir guddoominayey sii hayaha xilka madaxweynaha ee maamulkaasi ahna guddoomiyaha baarlamaanka K/galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa.
Ugu horreyn waxaa looga hadlay sidii loo sii wadi lahaa howlaha shaqo ee maamulkaasi maadaama dhowaan uu is casilay madaxweynihii K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.




From the comments