Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta lagu wadaa inuu cod u qaado cunaqabateynta saaran dalka Eritrea, arrintan oo timid kadib markii xiriirkooda caadi ku soo noqday dalka Itoobiya ayna iso soo dhowaadeen Djibouti.
Wararka waxaa ay sheegayaan in isniintii la isku afgartay qaar ay Ingiriiska soo geliyeen oo ku aadan qaadista cunaqabateynta, taas oo saarneyd ilaa 2009-kii.
Qaraarka si uu ansax u noqdo waa loo baahanyahay 9 cod iyo in aanu codka vetoes adeegsan mid ka mid ah dalalka Mareykanka, Shiinaha, Ruushka, Ingiriiska iyo Faransiiska.




From the comments