Goobjoog

Dhageyso: Musharraxiinta K/galbeed Qaarkood Oo Ka Cabsi Qaba Dib u Dhac Ku Yimaada Doorashada

Mid kamid ah murashixiinta u taagan xilka madaxweynaha ee maamulka K/galbeed ayaa walaac ka muujiyey in doorashada madaxweyne ay ku dhacdo waqtigii loo qabtay. Xasan Ibraahim oo ka mid ah…

Dhageyso: Musharraxiinta K/galbeed Qaarkood Oo Ka Cabsi Qaba Dib u Dhac Ku Yimaada Doorashada

Mid kamid ah murashixiinta u taagan xilka madaxweynaha ee maamulka K/galbeed ayaa walaac ka muujiyey in doorashada madaxweyne ay ku dhacdo waqtigii loo qabtay.

Xasan Ibraahim oo ka mid ah musharraxiintan ayaa u sheegay Goobjoog News, in xilligii doorashada la qaban lahaa lagu dhammeeyey khilaaf iyo is qabqabsi.

Waxa uu tilmaamay in ka musharraxiin ahaan iney qiyaasayaan in doorashada la qabto bilowga sanadka cusub ee 2019.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu ku dhaliilay iney kaalin ka qaadatay dib u dhaca doorashadan, sidoo kalena ay waddo ineysan doorashada si xalaal ah u dhicin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments