Dilkii loo geystay saxafiga Washington Post ee Jamaal Khashoggi oo hadda loo heysto inuuba amray dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, ma aheyn oo keliya mid waxashnimmo ah balse waxaa ay cabsi gelisay dhammaan saxafiyiinta caalamka.
Iyada oo taasi laga ambaqaadayo, weriyeyaasha Goobjoog Media Group ayaa maanta waxaa ay dhigeen isu soo bax lagu dalbanayo inuu cadaalad helo Jamaal Khashoggi. Dilka Khashoggi wuxuu ahaa mid arxan-darro ah, oo aan horay dunida uga dhicin, waana dhambaal ka dhan saxaafadda, xuriyadda hadalka, runta, xaqa, xaqiiqda iyo inta u doodda xuquuqda inta dulman.
Goobjoog ahaan, isu soo baxa aan maanta sameynay, keliya ma aheyn in aanu u doodeyno jiritaanka warbaahin xor ah, madaxbannaan iyo dhiirigelinta inay saxafiyiinta gutaan shaqadooda cabsi la’aan balse waa mas’uuliyad akhlaaqi ah, oo naga saaran in aan cambaareyno dilkii foosha xummaa.





From the comments