Goobjoog

Trump: Washington Waxaa Ay Sheegi-doontaa Dilaaga Khashoggi

Kadib maalin markii ay CIA-du sheegay inuu dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku lug lahaa dilka Jamaal Khashoggi isla markaana uu ahaa ninka amray ayuu dhankiisa sheegay madaxweynaha Mareykanka Donald…

Trump: Washington Waxaa Ay Sheegi-doontaa Dilaaga Khashoggi

Kadib maalin markii ay CIA-du sheegay inuu dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku lug lahaa dilka Jamaal Khashoggi isla markaana uu ahaa ninka amray ayuu dhankiisa sheegay madaxweynaha Mareykanka Donald John Trump  in dalkiisa uu sheegi-doonno cidda dishay Khashoggi 2 maalin gudahood.

Donald Trump waxaa uu natiijada CIA-da ku tilmaamay mid waqtigeeda ka soo hor martay, laakin waxaa uu intaas raaciyay inay macquul tahay.

Madaxweynaha Mareykanka waxaa uu sidoo kale ka hadlay inuu heli-doono warbixin ku saabsan cidda dishay iyo waxa ka dhalan kara, 2 maalin gudahoodna uu ku shaacin-doono.

Donald Trump  waxaa la sheegayaa inuu doonayo inuu ilaaliyo heshiisyada uu la galay Sacuudiga, laakin hey’adaha Mareykanka sida Congersska waxaa ay doonayaan in runta la ogaado.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments