Shir Madaxeedkii ururka midowga Afrika ayaa shalay galab lagu soo gabagabeeyey xarunta dalka Itoobiya ee Adis-ababa.
Mahdi Maxamed Guuleed, ra’siul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka, wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, safaaradda Adis iyo mas’uuliyiin kale ayaa Soomaaliya uga qeyb galay.
Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inta uu shirka socday diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin dib u habeynta Midowga Afrika iyo sidii ururka Midowga Afrika ugu filnaan lahaa arrimaha quseeya ee dhaqaalaha,amniga iyo arrimaha Bulshada.




From the comments