Goobjoog

Imise Lacag Ayaa Maalintii Ku Baxda Ololaha Nadaafadda B/weyne?

Magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka bilaabatay olole nadaafadeed, waxaana howlahan ay ka socdaan dhammaan 4-ta xaafadood ee magaaladaasi. C/risaaq Cali, xoghaya dowladda hoose ee B/weyne ayaa wareysi…

Imise Lacag Ayaa Maalintii Ku Baxda Ololaha Nadaafadda B/weyne?

Magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka bilaabatay olole nadaafadeed, waxaana howlahan ay ka socdaan dhammaan 4-ta xaafadood ee magaaladaasi.

C/risaaq Cali, xoghaya dowladda hoose ee B/weyne ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu faah faahin kaga bixiyey ololahan iyo sida ay wax u wadaan.

Waxa uu tilmaamay in dadka hadda nadaafadda wada ay yihiin kuwo maamulka uu qorey, lagana soo xulay xaafadaha B/weyne.

Isbedal badan oo dhanka nadaafadda ah ayuu sheegay in haatan laga dareemayo magaaladaasi.

Goobjoog ayaa weydiisay qarashka la siinayo dadka nadaafadda ka wada magaalada B/weyne, maalintii.

Wuxuu sheegay in xaafad walbo ay ka shaqeeyaan 30 qof, marka wadarta Afarta xaafadood la isku geeyana tahay 12, qofkii ayuu sheegay in maalin walbo la siiyo Labo doolar ($2), taa oo ka dhigan in qof walbo bishii la siiyo Lixdan Doolar ($60), isku guud ee nadaafadda B/weyne maalintii  lagu bixiyana waa Labo Boqol iyo Afartan Doolar ($240).

Dadka hadda nadaafadda ka shaqeeya ayaa u badan dad dan yar ah, waxaana ay ka rajeynayaan maamulka in qarash intaan ka badan ka helaan.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments