Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka federaalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.
Xildhibaan Maxamed Jawaari oo deegaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed ayaa waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhaba, iyadoona soo dhaweyntiisu ay ka qeyb galeen qaar kamid ah Musharixiinta u taagan Hogaanka Koonfur Galbeed, Waxgarad iyo Shacab farabadan.
Xildhibaan Maxamed Jawaari ayaa Baydhabo u tegay la socodka doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi oo dhowaan la filayo inay ka dhacdo Baydhabo.









From the comments