Isniintii shalay aheyd, dalka Talyaaniga waxaa booqasho rasmi ah ay uga wada bilaabatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Amiirka Qatar Tamiim Bin Xamad.
Booqashadan oo ah markii ugu horeysay oo mid weliba uu Talyaaniga tago ayaa wararka qaar waxaa ay sheegayaan in qorsha iyo barnaamijka labada mas’uul uu ku jiro inay is arkaan.
Villa Somalia ayaa isniintii sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu Talyaaniga ku tagayo booqasho 3 maalin ah halka isla isniintii ay Amiir Tamiim Roma uga bilaabatay booqasho 2 maalin ah.




From the comments