Shil geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay gobolka Mudug, kadib markii uu rogmaday gaari nooca dagaalka ah oo ay ciidamo la socdeen.
Gaarigan ayaa ka yimid dhanka degmada Cadaado, wuxuuna kusii socday magaalada Gaalkacyo, isaga oo ku rogmaday deegaanka Saddex Xiglo.
Inta la xaqiijiyey waxaa shilkan ku dhintey Labo qof, waxaana dhaawac uu kusoo gaaray 12 sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah.




From the comments