Puntland waxaa ka socota diyaar garowgii ugu dambeeyey ee ku aadan doorashada madaxweyne oo la filayo iney dhacdo horraanta sanadka 2019.
Waxaa magaalada Garoowe xarunta gobolka Nugaal gaaray musharraxiin badan, waxaana kala saari doona musharraxiintan 66 mudane oo baarlamaanka ah.
Odoyaasha dhaqanka ayaa dhankooda ku mashquulsan soo xulidda xildhibaannada baarlamaanka Puntland, iyadoo arrimo badan laga eegi doono mudanayaasha la keenayo.




From the comments