Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Garoonka diyaraadaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Wafdi ka kooban 27-xubnood oo ka socda Guddiga nabad galyada iyo amniga Midowga Afrika.
Guddiga oo ka kooban 15-dal, ayaa ujeedka socdaalkooda wuxuu yahay iney arkaan horumarka dhinac amniga ee ka jira Soomaaliya.
Wasiiru Dowlaha arrimaha dibada Dowladda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in muhiimada wafdigan ka socda Midowga Afrika u yimaadeen Soomaaliya ay tahay iney qiimeeyaan xaaladda dalka sida horumarka, amniga iyo waliba Xaaladda ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan Soomaaliya.





From the comments