Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland UCID iyo WADDANI ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Guddida doorashooyinka ku eedeeyay dib u dhaca markii shanaad ku yimid doorashada baarlamaanka iyo degaanka.
Laba xisbi mucaaarid ayaa ku tilmaamay wax aan la aqbali karin dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Somaliland.
Guddoomiyaha kumeel gaadhka ee xisbiga WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ka xisbi ahaan aanay aqbali doonin doorasho dambe oo ay qabtaan guddida hadda joogta, haddii kuwa hadda jooga la kala dirana loo baahan yahay in loo sinaado tirada xubnaha guddida cusub.




From the comments