Puntland: Madaxweyne Gaas Oo Ku Dhawaaqay Xilliga La Xulayo Golaha Wakiillada Iyo Doorashada Madaxweynaha
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa xeer ku soo saaray waqtiyada la soo gudbinaayo liiska wakiilada Puntland, xilliga ay tahay iney doortaan guddoonka iyo xataa doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa
Qoraalka Madaxweyne Gaas waxaa ka mid ahaa:
1. In beelaha Puntland golaha wakiillada u soo xushaan si waafaqsan dastuurka Puntland, una soo gudbiyaan guddiga anshaxa iyo xalinta khilaafaadka ilaa 10/12/2018.
2. Waxaa la furayaa kalfadhiga ugu horeeya ee golaha wakiilada Puntland ee cusub 01/01/2019, iyaga oo dhameystiran doona howshooda gaarka ah inta u dhaxeysa 1da ilaa 6da Janaayo 2019ka sida: guddoonka, guddiga doorashada iyo wixii la xiriira.
3. Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxaa ay dhaceysaa 08/01/2019
4. Waxaa xeer gaar ah lagu soo saari-doonaa magacaabista ansixinta xalinta khilaafaadka
Wareegtada Akhriso: