Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in haatan uu khilaaf ku aaddan dhanka maaliyadda uu ka taagan yahay magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan.
Khilaafkan ayaa ka dhaxeeya guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed iyo sidoo kale wasiirka wasaaradda maaliyadda Hirshabelle Maxamed Maxamuud Cabdulle, iyadoo xallinta khilaafkanna ay socoto.
Wasiirka maaliyadda Hirshabelle ayaa la sheegay inuu ka dalbaday guddoomiyaha Hiiraan inuu wareejiyo maamulka maaliyadda ee gobolkaasi, kuna soo wareejiyo dhanka wasaaradda wixii qarash ah ee uu hayo.




From the comments