Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Jigjiga ee xrunta Somali State ay gaaraan hoggaanka jabhadda ONLF oo maalintii shalay ahayd lagu soo dhoweeyey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Wararka waxay sheegayaan in si weyn looga diyaar garoobay Jigjiga, islamarkaana dadka ay doonayaan in si hufnaan ah kusoo dhoweeyaan madaxda ONLF.
Waddooyinka waaweyn ee Jigjiga ayaa lagu xardhay calanka ONLF iyo sidoo kale sawiradda madaxda jabhaddaasi.




From the comments