Xildhibaan Maxamed Colaad Cabdi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka Hirshabelle ayaa ka hadlay xaaladda degmada Buul-burde ee gobolka Hiiraan, kadib booqasho uu ku tagey degmadaasi.
Wuxuu tilmaamay xildhibaanka inuu la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada, ayna u sheegeen in dhibaatooyin badan ay qabaan.
Waxa uu sheegay xildhibaanka in cabashada ugu weyn ee ay qabaan shacabka ay tahay waddooyinka soo gala degmadaasi oo u xiran Al-shabaab.




From the comments