Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in si habsami leh u socdaan kulamada u dhaxeeya dowlad goboleedka Jubbaland iyo sidoo kale xubnaha uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi C/laahi.
Shalay oo Jimco ahayd waxaa kulmay wafdiga aqalka sare iyo sidoo kale, Labada gole ee dowlad goboleedka Jubbbaland, waxaana looga hadlay arrimaha la xiriira tabashada Jubbaland ee dowladda federaalka ah.
Mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha Koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa halkaasi ka sheegay waxyaabo badan oo ay ka tabanayaan dowladda dhexe, loona baahan yahay in la xalliyo tabashadaasi.




From the comments