Guddoomiyeyaasha Labada aqalka ee baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Senator-ada aqalka sare ayaa kulan ku leh magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa ka dhacaya hoyga guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Illaa iyo hadda lama oga waxa kulamadan looga hadlayo, hase ahaatee waxaa loo badinayaa inuu la xiriiro arrinta mooshinka laga keenay madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.




From the comments