Maamulka K/galbeed ayaa fariin nabadeed u direy shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaasi oo aad uga gadooday xariggii dowladda dhexe ee Mukhtaar Roobow.
Nuuradiin Gacma, Afhayeenka maamulkaasi oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in looga baahan yahay shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo in nabadooda ay ka shaqeeyaan.
Wuxuu sheegay in aysan u baahneyn dhibaato kale oo magaalada ka dhacda, islamarkaana wixii rabitaankooda ah ay si nabad ah ku muujiyaan.




From the comments