Mid kamid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo maamulka Puntland ayaa ku dhaliilay xukuumadda Gaas ee waqtigeeda dhammanaayo in aysan waxba ka qaban dhaqaalaha maamulkaas.
Daahir Mire Jabriil oo ka mid ah musharrixiinta sanadkaan u tartamaya doorashada Puntland ayaa sheegay in waqti badan oo dhaqaalo lagu abuuri karay aanan waxba laga qaban, isagoo xusay in looga baahnaa maamulka hada jira ee Puntland in adeegyada aas-aasiga ah aanu wax badan ka qaban.
Sidoo kale, Daahir ayaa sheegay in Puntland ay hadda fursado kale haysato, islamarkaana xildhibaannada loo baahan yahay iney doortaan shaqsi waxtar leh.




From the comments