Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay garsooreyaal ka tirsan maxkmadda sare ee dalka, kadib soojeedin ka timid guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed.
Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:
Garyaqaan Xasan Cabdinuur Cabdiraxmaan, Garyaqaan Abuukar Axmed Cali (Qasaali), Garyaqaan Cabdulqaadir Idiris Ciise iyo Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud.




From the comments