Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay soo booqdaan Soomaaliya, tani waa digniis cusub oo badashay mid hore oo soo baxday June 15, 2012, waxaana la gaarsiiyey Level 4. Arrimaha loo cuskaday waxaa ka mid ah dilalka, argigixisada iyo burcad-badeedda.
Waxaa qoraalkan lagu sheegay in xaaladda amniga ee Soomaaliya aysan ahayn mid la isku haleyn karo, islamarkaana xilli walbo qataro la filan karo.
“Dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dilka, dhaca, kufsiga, afduubka waa ay dhacaan Soomaaliya oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland”, sidaasi waxaa lagu sheegay qoraalka.




From the comments