Xiriirka kubadda cagta adduunka(FIFA) ayaa sheegay inay ka fakirayaan inay badiyaan kooxaha ka qeyb galaya koobka adduunka ee 2022-ka, si ay dalalka u gaaraan ilaa 48 koox.
Afhayeen u hadlay FIFA ayaa sheegay inay ka fakirayaan in cayaaraha qaar lagu qabto dalalka dariska la ah Qatar, oo marti-gelin-doonta koobkaas.
Go’aankaas ayaa laga yaabaa in la gaaro ka hor March sanadkan kolkaas oo ay bilaaban-doonaan isreebreebka koobka adduunka.




From the comments