Madaxweynaha koonfur galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Lafta Gareen ayaa waxaa uu maanta magacaabay guddi xaqiiq raadis ah oo soo baraa rabashadihii Baydhabo ka dhacay 13-15-kii bishii hore.
Guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaaney warqadda ku qorneyn Mandate ama awood gaar ah oo la siiyey si ay howlaha u gutaan.
Nicholas Haysom, ergeyga qarmada midoobey ee Soomaaliya ayaa horay uga codsaday dowladda federaalka ah inay baarto dhacdada Baydhabo, laakin Muqdisho waxaa ka dalbatay inuu dalka ka baxo.





From the comments