Waxaala soo gabagabeeyay dhageysiga khudbadaha musharaxiinta madaxweynaha maamulka Puntland ka hor jeedinayeen xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi.
21-musharax oo u tartamaya xilka madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland ayaa khudbad ka hadleysa taariikh nololeedkooda iyo waxqabadka ay la imaanayaan haddii ay xilka ku guuleystaan ka horjeediyay xildhibaanada Puntland.
Khibradda mid weliba uu sheegtay marka laga soo tagto waxaa ay ka hadleen: arrimaha dhaqaalaha iyo dib u dhiska Puntland, inta badan waxaa ay xoogga saareen sidoo kale amniga sida: dib u dhiska, qalabeynta iyo wanaajinta nolosha ciidanka, la-dagaalanka Al-shabaab iyo Daacish iyo xoreynta waxa ay ugu yeereen dhul maqan.




From the comments