Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa maanta magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal kula kulmay saraakiisha ciidamada maamulkaasi.
Taliyeyaasha ciidamada Booliiska iyo daraawiishta ayaa ka mid ah xubnaha uu madaxweyne Dani la kulmay, wuxuuna kala hadlay arrimo ku aadan sugista ammaanka.
Waxa uu ka dalbaday taliyeyaasha in la adkeeye amniga guud ee Puntland, islamarkaana shaqada ammaanka ay ahaato mid aad loo xoojiyo.




From the comments