Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisow ayaa waxaa uu ka hadalay maqaamka magaalada Muqdisho.
Ma aha markii ugu horeysay, ee uu Yariisow ka hadlo maqaamka Muqdisho, laakin markan waxaa uu dul istaagay arrimo badan.
Cabdiraxmaan Yariisow oo arrintaasi ka hadalaya waxaa uu yiri “Sanadkan waa sanadkii u diyaar garowga doorashooyinka, waa sanadkii dhameystirka dib u eegista, sanadkii maqaamka Muqdisho iyo sidii Muqdisho bulshadeeda aayahooda uga tashan lahaayeen, ulana mid noqon lahaayeen gobollada dalka aan u istaagno, isla markaana aan ka dhabeyno in shacabka Muqdisho ay ku helaan matalaad ha noqoto aqalka sare, ha noqoto golaha shacabka, isla markaana ay noqon doonaan gobol la mid ah gobollada kale, xuquuqda gobollada kale ay heleenna ay heli-doonaan, taasina waxaa ay ku iman doontaa wadajirkeenna, midnimadeenna iyo in aan umadda Soomaaliyeed tusno in aan hormuud u nahay”.




From the comments