Magaalada Gaalkacyo ayaa laga daah furay mashruuca qaabeynta magaaladaasi oo muddo Lix bil ah ay wadday dowladda Hoose oo kaashaneysay shirkadda Daldhis.
Munaasabad lagu daah furayey mashruucan waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada, mas’uuliyiinta Gaalkacyo iyo sidoo kale mas’uuliyiin kale oo Galmudug ah.
Duqa Magaalada Gaalkacyo, Xirsi Yuusuf Barre ayaa halkaasi ka sheegay muhiimadda uu mashruucan u leeyahay magaalada Gaalkacyo.




From the comments