Kadib doorashadii madaxweynaha cusub ee maamulka Putnland Saciid Cabdullaahi Deni waxaa durbaba hoos u dhac laga dareemay suuqa lagu kala sarifto lagacta dollarka Mareykanka ee deegaanada Putlnland.
Ganacsatada magaalada Garowe oo la hadlay Goobjoog News ayaa u sheegay in 100$ lagu kala sarifayo hadda 3 milyan oo Shilinka Soomaaliga ah halka markii hore uu ka ahaa 3 milyan iyo bar ilaa 4 milyan oo Shilinka Soomaaliga ah, waxana loo sababaynayaa ayada oo deegaanada Putnland ay soo galeen lacago dollar ah waqtigii ololaha doorashada iyo maamulka cusub oo joojiyay in bangiga lacago shilin Soomaaliya laga soo bixiyo.
Bashiir, oo ka mid ah ganacsatada Garowe ayaa Goobjoog news uga waramay arrinkaas waxaa uuna yiri ‘Magaceygu waa Baashi khaliif Aadan oo ka mid ah sarifleyda magaalada Garowe maanta, xalay ,ilaa iyo shalay galinkii danbe waxaa laga dareemay hoos u dhac ku yimid sarifka lacagta waxana 1$ lagu sarifayaa 30.000 oo Shilin halka markii hore uu ka ahaa 34.000 ilaa-36000 oo Shilin, hadda magaaladana mayaalo kaash, waxaana ugu wacan ayadoo waraaqad ay ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo lagu xannibay in bangiga dhexe laga bixiyo lacago kaash ah ayadoo magaalada uu yaalo dollar badan taas ayaa hoos u dhaca ku keentay sarifka’




From the comments