Maxamed Xuseen Caddow oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeedda deegaannada Jubbaland ayaa sheegay in uu jiro qorshe socda oo ku aaddan sidii waqti kale loogu dari lahaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Wuxuu sheegay in siyaasiyiin ku sugan Kenya islamarkaana aad ugu dhow Axmed Madoobe ay magaalada Muqdisho kula kulmeen madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Waxyaabaha ay siyaasiyiinta kala hadleen madaxda dowladda ayuu ku sheegay iney ka mid tahay arrimaha ku aadan doorashada Jubbaland in loo madax banneeyo Axmed Madoobe, waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments