Warar dheeraad ah ayaa kusoo kordhay dagaal xooggan oo shalay ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo u dhaxeeyey ciidanka DFS oo garabsanaya kuwa Jubbaland iyo Al-shabaab oo dhinac ah.
Gaashaanle Sare Maxamed Ibraahim Buulle, abaanduulaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka oo saakay la hadlay Goobjoog, waxa uu sheegay in khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi uu kordhay.
Waxa uu tilmaamay in Al-shabaab ay ka dileen 77 qof, kana gubeen gaadiid dagaal, isaga oo sheegay in sidoo kale ay jirto duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka.




From the comments