Goobjoog

Somaliland: Lix Wariye oo Loo Haysto Like, Comment iyo Share

Lix wariye oo ka howl-gala warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda Somaliland ayaa loo haystaa in ay Like, Comment iyo share ku sameeyeen qoraallo ay xukuumadda Somaliland dhibsatay. Wariyeyaashan ayaa la…

Somaliland: Lix Wariye oo Loo Haysto Like, Comment iyo Share

Lix wariye oo ka howl-gala warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda Somaliland ayaa loo haystaa in ay Like, Comment iyo share ku sameeyeen qoraallo ay xukuumadda Somaliland dhibsatay.

Wariyeyaashan ayaa la sheegay in ay u yeedheen guddida anshax marinta wasaaradda warfaafinta Somaliland. Kooxdan weriyeyaasha ayaa magacyadooda lagu sheegay: Cabdicasiis Maxamed Maydhax, Siciid Faarax Cagjar, Nuura Maxamed Nuur, Muna Ibraahim Dhakhtar, Nasiim Maxamed iyo Mubaarik Yuusuf Cabdi.

Dhammaan warieyayaashan waxaa ay ka hawl-galaan Radio Hargeysa, Wargeyska Dawan iyo TV-ga Somaliland.

Wariyeyaashan ayaa sugaya go’aanka ay ka qaadan doonto wasaaradda warfaafintu, iyadoo horey mushaharka looga jaray wariyeyaal kale oo iyagana lagu qabsaday arrimaha noocan oo kale ah.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments