Gudoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa soo xirey wejiga Koowaad ee shirka dib u heshiisiinta beelaha K/galbeed, kaasi oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Shirkaan ayaa si gaar ah diirada loogu saaray in beelaha wada dega K/galbeed ay si wadajir ah uga shaqeeyeen Nabadda iyo in wixii horay u dhacay la iska cafiyo.
Maxamed Mursal Gudoomiyaha Barlamanka soomaliya oo shirkaas soo xiray ayaa uga mahad celiyay beelaha heshiiyay si nabad ay uga shaqeeyeen.




From the comments