Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar ayaa xilka ka qaadey wasiirkiisii warfaafinta Guuleed Aw Cali Kaahin isaga oo isla jagadaasi u magacaabey Cabdillaahi Maxamed Mowliid.
Arrintan ayaa qeyb ka ah khilaafka u dhaxeeya wasiirka maaliyadda dawladda federaalka Itoobiya Axmed Shide iyo madaxweynaha kumeel-gaadhka ah ee deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar.
Cabdillaahi Maxamed Mowliid oo hadlayey magacaabistiisa kadib ayaa yiri”Qof kasta oo ummadda dhibaato u gaystay sharciga ayaa la hor keeni doonaa, cidna gorgortan lagalama gali doono” .




From the comments