Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey dhallinyarada Soomaaliyeed iney ka shaqeeyaan aayaha dalka, islamarkaana yihiin kuwa dalka berry xukumi lahaa.
Waxa uu sheegay in maskaxda dhallinyarada ay tahay mid nadiif ah, islamarkaana dalka ku hoggaamin kara meel wanaagsan.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale u sheegay dhallinyarada in haddii aqoontooda iyo maskaxdooda nadiifka ah uga faa’ideeyaan dalka ay wax badan qaban karaan.




From the comments