Dalka Mareykanka ayaa ku booriyey maamulka Suudaan sii-deynta saxafiyiin iyo dhalinyaro u ololeysa xuquuqda dadka oo ay ciidamada u xireen dibad-baxyadii dhowaan ka dhacay gudaha dalkaasi.
Warbaahinta ka shaqeysa Suudaan ayaa la kulantay cadaadis kadib markii ay halkaasi ka dilaaceen dibad-baxyo looga soo horjeedo madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir, laguna dalbanayo is casilaadiisa.
Warbaahinta ruqsadda lagala laabtay ee dalkaasi ka howl gasha waxaa ka mid ah Al Jazeera, Al- Carabiya iyo qaar kale.




From the comments