Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.
Waxa uu madaxweynaha halkaasi uga qeybgali doonaa munaasabadda Caleema Saarka madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/laahi Dani.
Ammaanka magaalada Garoowe ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo munaasabaddana ay bilaaban doonto gelinka dambe ee maanta.




From the comments