Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa rajo ka muujiyey in la xalliyo tabashada ay dowlad goboleedyada qaar ka qabaan dowladda federaalka Soomaaliya.
Farmaajo ayaa sheegay in intii uu ku sugnaa magaalada Garoowe oo shalay uu kasoo laabtay ay kulamo yeesheen madaxda maamul goboleedyada, ayna isla garteen in wax walbo la xalliyo.
Waxa uu sheegay in bisha soo aaddan ee March bartamaheeda ay dib ugu noqon doonaan magaalada Garoowe, halkaasi oo wadahadallo ku yeelan doonaan.




From the comments