Kulan looga hadlayay sidii laysgu furi lahaa waddooyinka degmooyinka gobolka Gedo ayaa lagu qabtay Magaaladda Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi.
Kulankaan waxaa ka qeybgalay laamaha ammaanka Gobolka iyo kuwa degmada Garbahaarey, kulankan oo uu guddoominayey Maxamuud Sayid Aden oo ah Madaxweyne ku xigeenka Kowaad ee Jubbaland ayaa lagu soo qaaday sidii la isugu furi lahaa waddooyinka u xiran Al-shabaab.
Maxamuud Sayid Aden oo wareysi siiyey Goobjoog ayaa sheegay in kulankaasi la isku af gartey xoojinta ammaanka degmooyinka Gobolka Gedo iyo sidii la isugu furi lahaa waddooyinka kala xiran.




From the comments