Ururada Bulshada rayidka Hirshabele ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan dedaallada lagu soo afjarayo colaadaha ka jira degaanno ka mid ah maamulkaas.
Guddoomiyaha ururada bulshada Rayidka Hirshabelle, Cabdiraxiin Axmed Maxamed ayaa sheegay in inta badan lagu guulaystay dhammaynta , xiisadihii ka jiray Hirshabeele ee la xiriiray qabaa’ilka.
Waxa uu sheegay guddoomiyaha in sidoo kale hadda la wado dedaallada ku aaddan sidii heshiisiin loo gaarsiin lahaa beelaha isku haya deegaannada maamulkaasi.




From the comments