Degmada Baardheere ee gobolka Gedo waxaa ka socda shirar looga hadlayo sidii loo dhammeyn lahaa khilaafka hoggaanka Jubbaland iyo sidoo kale waxgaradka degmadaasi.
Xildhibaan Shire Colay oo qeyb ka ah wafdiga madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in wadahadalladan ay haatan meel wanaagsan marayaan.
Waxa uu sheegay xildhibaanka in ay la kulmeen waxgaradka islamarkaana hadda waxyaabo badan la isku fahmay.




From the comments