Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland,Koofur galbeed iyo Jubbaland, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ehelada Dadkii ku geeriyooday Qaraxyadii Xalay ka dhacay Muqdisho.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid C/llaahi Deni, dhiggiisa Koofur galbeed, C/casiis Xasan Maxamed iyo Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha maamulka Jubbaland, ayaa sidoo kale cambaarayn kulul dusha ugu tuuray Kooxda argagixisada Al-Shabaab ee bannaysatay daadinta Dhiigga Ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada ayaa Allah uga rajeeyay in naxariistii Janno uu ka waraabiyo Dadka goobta ku geeriyooday, waxanay sidoo kale kuwii ku dhaawacmay Alle uga rajeeyeen inuu caafiyo.




From the comments