Wararka saakay oo Axad ah naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay howlgallo ka wadaan ciidamada Booliiska ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Howlgalkan ayaa si gaar ah waxa uu uga socdaa xaafadda Howlwadaag ee magaalada B/weyne, halkaasi oo maalmihii ugu dambeeyey ay ka dhacayeen falal amni darri.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa ka gaabsaday iney faah faahiyaan haddii ay jiraan dad lagu soo qabtay howlgalka.




From the comments