Dr Cali Saciid Maxamuud Kulane oo aad ula socda xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo guud ahaan geeska Africa ayaan wax ka weydiinnay waxa laga filan karo xilligan kulanka la filayo in magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku yeesheen madaxda dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.
Waxa uu sheegay Dr Cali Saciid in kulankaasi loo badinayo iney isku fahmaan Soomaaliya iyo Kenya, maadaama uu maalmahan dambe xumaa xiriirka Diblomaasiyaseed ee Labada dal.
Waxa uu sheegay in ay ahayd madaxda Kenya iyo Soomaaliya in ay ku kulmaan dal kale, balse safarka uu madaxweyne Farmaajo ku tagay Nairobi ay muujineyso niyad sami dhanka Soomaaliya ah, marka loo eego wixii ay fashay Kenya.




From the comments