Maamulka Puntland ayaa sheegay iney xalliyeen tabashadii ay qabeen kallumeysatada ku dhaqan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland Faarax Cawaash ayaa sheegay in markii hore Kalluumeysatada loo sheegay been ah in aan Kawaan kale la siineyn.
Kawaanka cusub ee lasiiyey Kalluumeysatada ayuu sheegay inuu yahay mid ka casrisan kawaankii hore, walibana aad uga nadaafad badan.




From the comments