Qarax aad u xooggan ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay nawaaxiga Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.
Dhawaqa qaraxan ayaa waxaa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale halkaasi laga maqlayo rasaas la sheegay in ay ridayaan ciidanka DFS.
Qaraxa halka uu ka dhacay waxaa gaaray gaadiidka gurmadka degdegga ah si ay usoo qaadaan haddii ay jiraan dad waxyeello kasoo gaartay.




From the comments